Opinion

Tuugadii lagu qabtay ee haddana qarso la yidhi – Gudoomiyaha Baanka JSL iyo dhacdo dhab ah: – “Foojaradaa i fashilyey”!

Hargeisa(SD)-Waxa la filayey in uu fulayo balankii iyo dhaartii uu u galay madaxweyn Muuse Biixi Cabdi markii musuqmaasuq oo ah tuugo uu ku kacay gudoomiyaha Bank Dhexe ee Somaliland, Ali Ibraahim Baqdaadi,hase ahaatee taasi ma dhicin, waana ta sii dhiiri galisay in uu u badhedho booboobka lacagta uu handaraabku kaga dhacay dad badan oo si toosa ama si dadban wax uga heli jiray dawladii hore ee Axmed Siilaanyo.

Gudoomiye Baqdaadi oo la aamisan yahay in uu ahaa maasuul Qaran oo tuhmayey aqoon iyo waayo arragnimo, lagana filaayey in uu umada baahan ee Reer Somailaland ukeeni karo arrin wax utara, ayaa noqday masuulkii ugu horeeyey ee waxyeelo u geysta ka dib markii qasnadii qaranka ee lagu aaminay uu si weyn u taabtay.

Gudoomiyaha Bangiga Somaaliland oo wakhtigii hore katirsanaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa aad uga hadlijiray musuq maasuga Somaliland hadheeyay in wax laga qabto oo haddii uu xisbiga Wadani helo doorashada. Haddaladiii uu ku tiraabi jiray waxa ka mid ahaa in uu la dagaalamidoono jahliga iyo aqoondara haysata wadanka!

Hase ahaatee iska daa waxa uu qabtoo waxa uu u xuubsiitay in dadkaas yar ee aan lahayn dakhliyo iyo nolol uu utafaxatay sidii uu uga samaysan lahaa xoolo badan amase uga noqon lahaa taajir aan cidi dareemin in uu jeebka qaranka xantoobsanayo.

Hadaba qiyaastii badhtanki bishii 9aad ee sanadkii hore ee 2018kii ayaa arrin aad dhanka xukumada loo qarinayey ay soo baxday, taas oo ay imika daaha ka rogeen rag waxka ogaa oo ku dhiiraday in ay kawaramaan ficiladiisa, markay arkeen in uu yahay qof aan ahayn kay moodayeen, balse oomane aan dhargeyn oo qasanadii qaranka damacsan in uu sida gofomaha ugu go’o goorta madaxweyne Muuse Biixi uu xilka ka xayuubiyo uun. Waa maxay arinta uu ku kacay bishan bisheedeedii ee sanadkii 2018kii ee dhiirigalisay?

Bishii Sebtember ee sanadkii hore ayaa arrin aad loola yaabay uu ku kacay Gudoomiyaha Bank Somaliland taas oo ahayd musuq maasuq aan gabasho lahayn oo uu kuqaatay lacag dhan 160 000 (boqol iyo lixdan kun) oo dollarka maraykanka aha oo ka mid ahayd lacag Dollar ah oo taalay baanka uu madaxda ka yahay. Sida ay uga warameen Somali Dispatch  xubno xogogaal ag oo codsaday in aan magacyadooda la sheegin, balse jecel in ay diirka ka qaadaan gofonaha ugu weyn xukumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay arinkan oo shacabka si weyn looga qariyey.

Iyadooo uu isku dayayo in aanay cidi ogaan ayaa Gudoomiyaha Banka , Cali Baqdaadi, waxa uu xisaabiyaha guud ee baanka Somaliland ku wargaliyey in uu la baxayo lacag dhan 160kun oo Dollar oo uu isagu isku saxeexay, taas oo uu ku sheegay in uu baanka ku horumarinayo, isagoo ugu baxaya dibda, kuna soo xidhaya bangiyo caalami ah, siiba kuwo Maleeshiya ah,

Hase ahaatee lacagta uu la baxay waxa ay ahayd lacag aanu kala tashan madaxda baanka iyo madaxweynaha, mana jirin wax qorshe ah oo ka run ah in uu lacagtaa ku horumarinayo baanka. Maadaama uu yahay masuulka ugu sareeya baanka qaranka, lacagtaa inta uu la baxay ayuu yidhi foojarada ku dara kharashka baanka, waana halkan meesha uu ka fashilamay.

Sida Somali Dispatch loo xaqiijiyey, waxa foojarada arkay Agaasimahama Bank, Axmed Xasan Carwo oo aanu hore ula socodsiin in uu lacag intaa leeg baanka kala baxayo iyo waxa uu ku qabanayo.

Agaasime Axmed Carwo ayaa la sheegay in uu ugu tagtey xafiiskiisa gudoomiyaha,weydiiyeyna waxa ka jira foojarada uu lacagta 160 kun kula baxay, waxaana la sheegay in ay isku afdhaafeen, kadibana Axmed Carwo iskaga soo baxay xafiiska Baqdaadi, isagoo yaaban Axmed Carwo oo xafiiskiisa fadhiya ayuu Baqdaadi oo aad u shakisan in uu Axmed Carwo madaxweynaha gaadhsiiyo ayaa kaga damaba yimid xafiiskiisa.

Ogow Xisaabiyaha Guud ee Baanka ayaa arkay foojarada lacagta lagula baxay ee uu kusaxee xanyahay Gudoomiya Banka Somaliland, kaas oo Axmed Carwo ku wargaliyey waxa uu arkay isagoo yaaban. Xisaabiyuhu isagoo haya draf kamida foojaradii ayuu ugeeyay Agaasimaha Guud ee banka Somaliland Axmed Xassan Carwo oo amray shaqaalaha Banka in aanay haba yaraatee xitaa 100 dollar iska saxeexi karin la’aantii iyadoon lasoo marrin xisaabtaas.

Agaasimaha Banka ayaa oo codsaday in lookeeno cadaynta lagula baxay lacagta xadigaas.leh ee 160 kun iyo tafaasiisha lagula baxay, ayaa galiyey dareen dheeraad ah Gudoomiye Baqdaadi, iyagoo ku kala jira labadoodii xafiis, waa Axmed Carwo iyo Baqdaadi ye, ayuu mid waliba dhankii go’aan u qaatay ku saabsan lacagta. Axmed xassan Carwo oo aad arrinkan uga cadhooday ayna ka dhaadhacsanayd in lacagtaas baanka Somaliland wax loogu qabanay balse uu yahay musuq maasuq cad, oo sicad oon gabasho lahayn n uu Gudoomiyaha baanka Somaliland uu labaxay kuna saxeexan yahay Ayaa go’aan saday in uu u sheego gudoomiye Baqdaadi in uu lacagta iska soo celiyo.

Agaasimaha guud baanka Axmed Carwo oo isaguna ah qurbejoog hore loo yaqaanay in aanu oon degdegin si qunyar socod ahna wax u furdaamiyo, ayaa uruuriyey dhamaan waraaqihii lagula baxay lacagta kuwaas oo dhamaantood ku saxeexnaa gudoomiyaha baanka Somailand.

Waa maalin Arbaca ah goorsheegtu sheegaysay aboaaro 9.35 subaxnimo ayaa gudoomiyaha baanku soo galay haqadii maalintaas, waxaa xafiiskiisa kusii sugaayay Agaasimaha Baanka Somaliland Mudane Axmed Carwo. Agaasimaha guud ayaa bariido dabadeed waxa uu hordhigay Gudoomiyaha baanka in uu wax ka ogaa lacagataas magaciisa kubaxday iyo waliba saxeexii Gudoomiyaha baanka. Soomaalidu waxay tidhaa layligu biyaha korkiisa kujira ayuu kadidaa waxaa markiiba gudoomiyii yidhi haa arrinkan waan la socdaa waanan ogahay oo warkiisa anaa kuuhaya. Agaasimaha guud ayaa la sheegay in uu yidhi waa siwanaagsan ee bal halkaynu usibir saartayna noosheeg. Shaqsigu kala hadal iyo qirasho wanaagsan ee markiiba waxa uu iskuqaaday telefoonkiisi oo uu iska dhigay nin balan lahaa wuxuu kujawaabay Axmedow anaa aroorta kuu keenaaya isagoo dhan, waayahay gudoomiye ayuu ugu jawaabay agaasime Axmed Carwo, waxaysay arrintu noqotay mid salbalaaadhan maalintii kuxigtay. Maxaa dhacay maalintii xigay, lacagtii lagu qabtay Gudoomiye Baqdaadi se yaa kale oo ogaaday? La soco qisadan oo gashay meel cajiib ah oo aan idiin iftiimin doono halka ay lacagtaasi ku dambaysay iyo xukun qarsoodi ah oo ku dhaacay Baqdaadi, iyo yaa ku riday xukunkaa! 

Categories: Opinion

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *