Opinion

Tuugadii lagu qabtay ee haddana qarso la yidhi – Gudoomiyaha Baanka JSL iyo dhacdo dhab ah:(prt2) – “Foojaradaa i fashilyey”!

Waa qaybtii labaad ee qormada xambaarsan qisada dhabta ah ee la xidhiidha tuugada uu isku saxeexay Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyada Somaliland, Cali Baqdaadi. Waxa aynu hore u soo sheegnay in inta uu isku saxeexay lacag dhan 160 kun oo Doolar uu gudoomiye Baqdaadi yidhi ku qora kharashka Baanka, isagoo aan si xalaal ah u soo ban dhigin halka ay lacagtu ku baxayso. Hase ahaatee markii la ogaaday ee la arkay foojaradii uu ku saxeexday lacagta, hadda waa bishan bisheedii sanadkii 2018kiiye, waxa dhacday qiso aan hore loo arag.

Agaasimaha Guud ee baanka Axmed Xasan Carwo ayaa la sheegay in uu gudoomiyaha ku yidhi maxay ahayd lacagtan aad la baxday, hase ahatee markii uu arkay Cali Baqdaadi in la hayo, waxa uu is yidhi miyaad asiibtid agaasime Axmed Carwo isna, lacag qadar ahana iskaga aamusiisid. Sida ilahan oo ku dhadhow xafiiska madaxweyne-xigeenku u xaqiijiyeen somalidispatch.com, Axmed Carwo waxa uu gudoomiye Baqdaadi maalin ka dib u keenay lacag dhan 60 kun oo uu ka soo jaray lacagtii uu qaatay ee 160ka ahayd, isagoo bac ku sida lacagtii oo sideedii Dollar u ah ayuu inta uu ugu soo galay xafiiska Axmed Carwo ku yidhi “Wa kukaa adiguna” sida ay ilahani sheegeen. Axmed Carwo oo yaaban ayaa eegay waxa bacda miiskiisa la saaray ku jira, waaba lacag Doolar ah!

Sida ay ilahan madaxtooyada ku xidhani somalidispatch.com u sheegeen, waxa uu Axmed Carwo ugu jawaabay Badqaadi, “Waa yahaye iskaga tag” inta uu bacdii ka qaaday. Hase ahaatee markii uu sidaa uga baxay xafiiskii Axmed Carwo gudoomiyaha Baanku, waxa uu Axmed Carwo lacagtii loo keenay ula cararay xagaa iyo Madaxtoooyada iyo xafiiska madaxweynaha. Sida ilahani Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen, Agaasimaha Guud ee baanka, Axmed Carwo oo kalsooni badan ka haysta madaxweyne Muuse Biixii ayaa isku shubay xafiiskii madaxweynaha isagoo sida lacagtii uu baqdaadi uga soo reebay 160kii lagu qabtay ee uu kaligii markii hore qorshaystay.

Axmed Carwo ayaa la sheegay in madaxweyne Muuse Biixi oo xafiiskiisa fadhiya markii uu u galay uu miiska u saaray oo uu yidhi, “Madaxweyne waxa aan kuu sidaa intaadii” Madaxweyne Muuse Biixi oo yaaban waxa uu ka hadlayo, balse arkaya in uu bacda uu Axmed Carwo sido wax ku jiraan, ayaa la sheegay in uu ugu jawaabay “Qayb maxay ah”, Axmed Carwo  ayaa ka dib u sharaxay waxa bacda ku jira, soona saaray qadar ka mid ahaa 60kii Kun ee kaashka ahaa ee lacagta Dollarka ahayd ee uu Baqdaadi ugu talo galay in in uu ku aamusiiyo Axmed Carwo.

Madaxweyne Muuse Biixi markii uu fahmay arinka Axmed Carwo ula yimid, arkayna lacagta bacada ku jirta, waxa la sheegay in uu dalbaday in uu si deg deg ah ugu yimaaada madaxweyne-xigeenku, C/raxman Saylici, waxaanu tusay bacada lacagtu cuuran iyo arinka jira oo uu uga waran ku yidhi Axmed Carwo markii uu Saylici u yimid. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale dalbaday in arinka loo sheego la taliyihiisa gaarka ah Dr Xasan oo arimaha dhaqaalaha kala taliya, kaas oo isna xafiis ku leh madaxtooyada, Waxaana Axmed Carwo laggu wargaliyey in uu lacagta celiyo, kana war sugo madaxweynaha.

Haddaba Muxuu ka yeelay Madaxweyne Muuse Biixi? Madaxweyene Muuse Biixi waxa uu madaxweyne-xigeenka, C/raxman Saylici ku yidhi arinkaan Baqdaadi adiga iyo Dr. Xasan ka soo taliya, lana kulma oo weydiiya waxa uu wado iyo arinkan. Sida ilahani sheegeen, Cabdiraxman Saylici iyo Dr. Xasan ayaa si gaar aha ula kulmay Cali Baqdaadi, waxayna wax ka weydiiyeen arinka lacagta uu isku saxeexay iyo inta uu Axmed Carwo is yidhi ku aamusii. Sida ilahan u waramay somalidispatch.com sheegayaan, Cali Baqadaadi dhulka ayuu is xidhay, waxaanu ku sharaxay lacagta mid uu baanka wax ugu soo qabanayey, isla markaana inta uu u dhiibay Axmed Carwo ana ay qab ka mi dtahay uu doonayey in uu sii hayo, balse aanu iskaga aamusiinayn.

Hase ahaatee waxa u Cali Baqdaadi eedo i jeediyey Axmed Carwo oo uu yidhi wax aan jirin ayuu abuurayaa, hase ahaatee isla markiiba waxa uu qirtay in uu khaldamay oo uu lacagtaa u isticmaalay arimo kale oo ay ka mid tahay siyaasad uu sheegay in uu dad beeshiisa ah oo xukumada ku kacsan ku dajiyey. Hase ahaatee lama aqbalin waxaana loo sheegay in uu kahalad weyn ku jiro, go’aankana madaxweynuhu lee yahay waxa laga yeelayo.

Sida ilahani sheegayaan, waxa Cali Baqdaadi lagu xukumay inuu lacagtii soo celiyo, hase ahaatee waxa uu sheegay in aanu wada haynin oo ay siyaasada ku baxday iyo laaluush dad beeshisa ah, waxaana lagu xukumay in uu mushaarkiisa ka gooyo lacagtaas.

Cabdiraxman Saylici iyo Dr. Xasan ayaa la sheegay in ay madaxweynaha ula tageen in uu badalo, isla markaana ay raadiyaan cidi lagu badalilahaa, kana aqbalay madaxweyne Muuse in Cali Baqdaadi la eryo maadaama uu sidaa u boobayo qasnadii lagu aaminay. Ilahani waxa ay sheegayaan in madaxweyne Muuse Biixi loo soo gubiyeye magac xubin hore madax uga hayad bangiyo caalami ah oo ka soo jeeda Awdal, xubintaas oo xiligaaa ku sugnayd Hargeysa. Hase ahaatee go’aan dambe oo uu madaxweyne Muuse Biixi ku saleeyey cabashada beesha Garxajis iyo dhawaaqyadii ooganaa ee beeshaashi ayuu dib uga waabtay in uu Cali Baqdaadi badalo, Waxaanu ku adkaystay go’aankii ahaa in uu Cali Baqdaadi lacagtaa si bil bil ah u so oceliyo iyadoo wax lagaca jarayo mushaarkiisa.

Hase ahaatee go’aankan dambe ee madaxweyen Muuse Biixi qaatay waxa uu Cali Baqdaadi u qaatay in uu yahay nin aan laga maarmayn laba jeer – 1- isagoo beel xukumada ku kacsan kasoo jeeda iyo in aanay jirin cid kale oo isla beeshisa ah oo lagu badali karo, taasina waxa u u qaatay in uu baanka siduu doono u maamuli karo, waana ta keentay in uu halkii ka sii miiso boobka umada, mudo yarna uu fooqyo kaga taago magaalada Hargeysa. Sidoo kale madaxweyne Muuse ayuu ogaaday halka uu u jilicsan yahay oo ah mucaaridada beeshiisa oo uu kaga waabanayo in uu xilka ka qaado ama saani ula xisaabtamo.

Dhacdadan ayaa ah mid ugub ku aha baanka Jamhuuiryada Somaliland oo ah halka lagu kaydiyo cashuurta soo ururta, lagana bixiyo lacagaha mushaarka ciidanka iyo shaqaalaha dawlada iyo dhamaan hawlaha qaranka, manah aha meel qaadi karta boob xirfadaysan ama xeeladaysan oo lagu boobo hantida umada la itaalka yar bixinta lacagtaas cashuurta.

Isku soo duubo qaabka uu madaxweyne Muuse Biixi uga jawaabay arinkan Cali Baqdaadi iyo ku daawashada ficilada loo adeegsaday xadhiga wariiyeyaasha somalidispatch.com , waa mid muujinaysa in madaxweyne Muuse Biixi noqon kii dadku moodayeen, waana astaan muujinaysa in uu madaxweyne Muuse ogol yahay boobka hantida umada u dhaarttay in uu ilaaliyo. Hase ahaatee ficil kastoo lagu xadgubayo saxaafada waxa soo bandhigtaa ma hakin karo in la soo bandhigo masuulka u soo tafo xaytay hanta umadda.

Arinkan Baqdaadi waa Tuugadii lagu qabtay ee haddana qarso la yidhi – waana astaan muujnaysaa sida uu madaxweyne Muuse Biixi u ogol yahay boobka hantida in la qariyo.

La soco qoraalo kale oo dabao gal ah iyo boobka xoolaha umada oo xawli ku socda xukumada madaxweyne Muuse iyo bustaha weyn ee la islee yahay kaga deda dadweynaha Somaliland ee la doonayo in ayna ogaan runta iyo xaqiiqda jirta

Categories: Opinion

Tagged as:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *